dcsimg

Misir ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages

Misir (Af-Ingiriis: Lentil; Af-Carabi: عدس) magaca Saynis yahay "Lens culinaris" waa geed leh midho firiley ah oo la qoys ah bahda digirta.[1]

Miraha misirtu waa kuwo yaryar, wareegsan sida goobada, khafiif ah, qolof ama dahaadh sare oo fudud leh, isla markaana midabo kala duwan leh taasi oo ku xidhan deegaanka, carada, nafaqada geedku helo iyo cimilada. Geedka misirku wuxuu gaadhaa ilaa 40 sentimitir dhererkiisu, midhahiisuna waxay ku dhex jiraan qolof wareegsan.[2]

Taariikh

 src=
Geedka misirka ka hor intaanu midhaha dhalin

Misirku wuxuu ka mid ahaa cuntada dadku cunaan wakhti aad u dheer, wuxuu xataa ka horeeyay dheriga. Sida lagu ogaaday baadhitaan ay sameeyeen culimo aarkiyoolojiis ah, waxaa geedka misirka lagu beeran jirey deegaanada carada nafaqada leh ee Bariga Dhexe iyo Bariga dhow ee galbeedka qaarada Aasiya wakhti imika laga joogo 9,500 sano ilaa 13,000 sano.[3]

Dhinaca kale, midabka midhaha misirku waa kuwo kala duwan, waxaana ka mid ah huruud, casaan, casuus, oranji, madoow iyo cagaar. Sidoo kale, qarada iyo xajmiga misirku waa kala duwan yahay; waxaa jira qaar aad u yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn.

Soo Saarka

 src=
Soo saarka Misirka caalam

Geedka misirku wuxuu adkeeysi u leeyahay abaaraha, waxaana laga beeran karaa meel kasta oo caalamka ah. Hay'ada Cuntada Aduunka ee Jimciyada Quruumaha warbixin ay soo saartay sanadkii 2013ka waxay sheegtay in caalamka oo dhani soo saaray 4,975,621 mitir ton oo misir ah. Wadana ugu sareeyay soo saarka iyo beerista misirka waxay ahaayeen isla sanadkaasi 2014ka Kanada, Hindiya iyo Turkiga.[4]

Dhinaca kale, qiyaastii wax ku dhow rubuc misirka caalamka waxaa soo saartey wadanka Hindiya, kaasi oo inta ugu badan lagu isticmaalay isla wadankaasi. Sidoo kale, wadanka Kanad ayaa iyadna noqotey mida koowaad ee ugu dhoofinta badan misirka caalamka.[5] Warbixin tirokoob ah oo dowlada wadanka Kanada soo saartay ayaa lagu xusay in sanadihii 2009 ilaa 2010, wadankaasi soo saaray tiro misir ah oo dhan 1.5 milyan mitir tons.[6]

Wadanada ugu Horeeya Soo Saarka Misirka, 2013
Wadan Mitir Ton Kanada 1,880,500 Hindiya 1,134,000 Turkiga 417,000 Ustareliya 324,100 Maraykanka 227,658 Aduunka 4,975,621 Ilaha warka: Hay'ada Cuntada Aduunka, Waaxda Wararka[7]

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Tixraac

  1. "Af-Ingiriis: Lentil; Af-Carabi: عدس) magaca Saynis"
  2. "Muuqaalka midhaha Misirka"
  3. Leah A. Zeldes (16 February 2011). "Eat this! Lentils, a prehistoric foodstuff". Dining Chicago. Chicago's Restaurant & Entertainment Guide. Retrieved 4 August 2011.
  4. "2013 World Production Statistics for Lentils". Food and Agricultural Organization of the United Nations, Statistics Division. 2015. Retrieved 24 March 2015.
  5. "Lentil (Lens culinaris)". Pulse Canada. Retrieved 24 January 2015.
  6. "Crops Market Information - Canadian Industry". Retrieved 19 September 2014.
  7. "Production of Lentils by Countries". UN Food & Agriculture Organization, Statistics Division. 2013. Retrieved 24 March 2015.
license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha

Misir: Brief Summary ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages

Misir (Af-Ingiriis: Lentil; Af-Carabi: عدس) magaca Saynis yahay "Lens culinaris" waa geed leh midho firiley ah oo la qoys ah bahda digirta.

Miraha misirtu waa kuwo yaryar, wareegsan sida goobada, khafiif ah, qolof ama dahaadh sare oo fudud leh, isla markaana midabo kala duwan leh taasi oo ku xidhan deegaanka, carada, nafaqada geedku helo iyo cimilada. Geedka misirku wuxuu gaadhaa ilaa 40 sentimitir dhererkiisu, midhahiisuna waxay ku dhex jiraan qolof wareegsan.

license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha